Ma Jeclaan lahayd in aad si dhakhso ah u riddo Miisaanka, Raac Shantan Tallaabo.

  



Marka laga hadlayo miisaanka oo la dhimo, dad badani waxa ay uqaadanayaan in ay tahay arrin aad u adag oo aan la samayn Karin, balse arrintu sidaas wey ka duwan tahay.

Maqaalkan gaaban waxa aynu kaga hadli doonaa shan tallaabo oo fudud oo haddii aad samayso aad si dhakhso ah u dhimi karto culayska iyo miisaanka Jidhkaaga.

  1. Cab Biyo Badan.

Sida aynu lawada socono Biyuhu waxa ay u fiicanyihiin caafimaadka guud ee qofka bani-aadamka ah sidaas oo ay tahay haddana waxa la ogaaday in Biyuhu kaqayb qaataan dhimista miisaanka qofka, maxaa yeelay Biyuhu waxa ay ka qayb qaataan ama kordhiyaan dheefshiidka kiimikaad ee jidhka, waxa ay caawiyaan in wasakh badani ka baxdo jidhka. Sidaa darteed marka laga hadlayo miisaan dhimista adiga oo maalintii Caba 8 koob oo biyo ah waxa ay keenaysaa isbedel weyn oo dhanka miisaan dhimiska ah.

2.     Jooji Cabitaanada Sonkorta leh.

Mid ka mid ah  waxyaabaha ugu weyn ee korodhka miisaanka jidhku waa cabitaanada sonkorta leh, sida kuwa soodhaha leh, cabitaanada loo isticmaalo energy-ga, iyo xitaa cabitaanka laga miiro khudaarta ee sonkorta lagu daro. Ma aha oo kaliya in cabitaanadan ay ku jiraan kalooriyo badan, laakiin sidoo kale malaha  wax qiimo nafaqo oo dhab ah. hadaba si aad u hagaajiso caafimaadkaaga una dhisto jidhkaaga, waa muhiim in  aad joojiso cabitaanadaasi aan soo sheegnay.

Marka hore, tixgeli inaad cabitaannada sonkorta leh u beddelato Biyo, maxaa yeelay Biyuhu waxa ay lama huraan u yihiin in jidhkaaga iyaga oo ka ilaaliya in uu fuuqbaxo, taas oo muhiim u ah hawlo badan oo jidhka ah, oo ay ku jiraan dheefshiidka iyo habaynta heerkulka jidhka. Cabbitaanka biyo badan ayaa sidoo kale kaa caawin kara inaad dareento dhereg, hoos u dhigista rabitaanka cuntada iyo suurtogalnimada inaad cunto fudud ku qaadato cuntooyinka aan caafimaadka lahayn.

3.      Had iyo jeer Cun Cuntooyinka Borotiinku Kubadanyahay.

Borootiinku waxa uu lama huraan u yahay dhimista miisaanka maadaama ay kugu ilaalinayso in aad aand cunto ubaahan waqti dheer. Waxa kale oo ay ka caawisaa dhisidda iyo ilaalinta cufnaanta murqaha caatada ah, taas oo kordhisa heerka dheef-shiid kiimikaad ee kadhacaya jidhka. Markaad isticmaasho borotiinka, jidhkaagu wuxuu u baahan yahay tamar badan si uu u dheefshiido cuntodata arrintaasi oo sababaysa  in jidhku gubo kalooriyo badan. Sidaa darteed, haddii aad rabto inaad si wax ku ool ah u lumiso miisaanka, waxaad u baahan tahay inaad ku darto borotiin badan cuntadaada.

4.     Iska jir inaad laasimto Cuntooyinka Warshadaysan (Processed Foods).

Sida daraasado badan oo caafimaadka laga sameeyey ay xaqiijiyeen, cuntooyinka qasacadaysani waxa ay khatar badan ku keenaan caafimaadka Dadka, maxaa yeelay waxa ay ka koobanyihiin kuwo Sonkor badan, Milix leh islamarkaana qaarkood ay ka koobanyihiin noocyo dux ah oo aanu jidhku u baahnayn, cuntooyinkan bedelkooda waxa aad cuni kartaa khudaarta dabiici ah iyo cuntooyinka firileyda ah ee aan la warshadaynin.

Intaa waxa dheer cuntooyinka la warshadeeyey waxa sidoo kale lagu daraa noocyo kiimiko ah oo lagu ilaaliyo kuwaasi oo khatar caafimaad u keeni kara bani-aadamka haddii ay joogteeyaan.

5.      Samee Jimcsi joogto ah.

Jimicsigu waa shayga qudha ee aan maanta muran kataagnayn in uu yahay mid aad muhiim ugu ah caafimaadka qof walba, maxaa yeelay qofka oo jimcis samayn waayaa waxa ay ka dhigantahay qof isagu aan daryeelaynin caafimaadka Alle siiyey.

Akhriste ha ilaabin in aad jimicsiga kadhigato shay aad mar walba samayso si aad uga hor tagto caajiska una dhisto jidhkaaga.

Kudar qorshahaaga jimicsiga keliya kaa caawinmayso  miisaan dhimista ee sidoo kale waxa ay kaa caawin kartaa wanaajinta caafimaadkaaga iyo jirdhiskaaga guud. Hadda bilow jimicsiga oo arag natiijooyinka kadhasha!

Ugu danbayn, akhriste waxa aad maskaxda kuhaysaa in wax waliba aanay si dhakhso ah isu bedelaynin, balse joogtaynta ayaa muhiim ah, maxaa yeelay haddii aad shantan qodob ee aan kor kusoo sheegnay aad joogtayso, waxa aad arki doontaa natiijo aad kufaraxdo, caafimaadkaaga guudna waxa uu noqon doonaa mid hagaagsan… Mahadsanid.

 

 

 

 

Post a Comment

0 Comments